Dowladda oo Masar kala hadashay fasaxida Minxooyin ka xirnaa Arday Soomaali ah

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh  Cumar ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashadda Masar.

Kulanka oo ka dhacay qeybta martidda ee Safaaradda aya waxaa goobjoog ahaa madaxa Waxbarashadda ee Safaaradda.

Safiirka aya uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Masar deeqaha Waxbarasho ee dalka  la siiyo, isago xusay in xiriirka Waxbarasho ee Masar iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo muddo fog soo jiray, isla markaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.

Sidoo kale Safiirka ayaa ahmiyad gaar ah siiyay in dib loo fasaxay minxooyinkii ka xayirnaa qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Masar, waxaana ka go’an in ardayda loogu shaqeeyo si siman oo cadaaladd ah.

Tan iyo intii uu xafiiska la wareegay Danjire Ilyaas Sheeq Cumar waxa muuqda inu dedaal badan ku bixiyay dib u soo nooleynta tayadii iyo fursadihii Waxbarasho waxaana meesha laga saaray caqabadihii ardayda ka haystay dhanka Waxbarashada.

Safiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Masar, maadaama howl wanaagsan ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha dalka Masar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor