Dowladda oo Markale dib u dhigtay furitaanka Duulimaadyada Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka , sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada, xili lagu waday in duulimaadyada gudaha la furo dhamaadka bishaan.

Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in weli Cudurka COVID-19 ee ka jira dalka uu marayo Marxado kala duwan, isla markaana aynan aheyn in Cudurka dib loogu soo geliyo moolo uu ku yaraaday ama la geeyo meel uusan gaarin.

Wasiir Oomaar ayaa dhawaan dowladda sheegay in duulimaadyada diyaaradaha gudaha isaga kala goosha la furayo dhamaadk Bishaan Juun, hayeeshee Go’aankaas ayuu tilmaamay in dib looga noqday, sababo la xiriira faafitaanka Cudurka COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media