Dowladda oo ka hadashay geeridii Marxuum Ilyaas Maxamed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerid mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo xalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Xasan Xaaji ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa Wiil dhalinyaro ah kana tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaa” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Sidoo kale Marxuuma Ilyaas Maxamed Sheekh ayaa waxaa geeradiisa ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u badan, iyadoo geeridiisa aad loogu hadl haayay baraha Bulshada.

duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u badan, iyadoo geeridiisa aad loogu hadl haayay.

Qaraxii xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux, waxaana mararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas uu ka badbaaday Wasiir ku-xigeennka amniga Xukuumadda Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media