Dowladda oo ka hadashay Duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

Howlgal ballaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab, Sida ay qortay Wakaaladda Wararka  dowladda ee SONNA.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka, kaasi oo la sheegay  in lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka howlgalka laga fuliyay.

War-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi.

“Waxaa lagu dilay howlgalkaasi Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab xili uu ku sugnaa deegaanka Kuunya Barrow, waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. Sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo dhowr ah oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media