Dowladda oo ka Jawaabtay Dalab uga yimid Arday aan gelin Imtixaankii shalay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarad u dirtay Arday dhameysatay waxbarashada Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare, kuwaasi oo ku sugnaa Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, loona soo qaaday dhanka Muqdisho.

Ardaydaas ayaa waxaa ay sheegeen inuu dhaafay Imtixaankii shahaadiga ah ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ee shalay furmay, iyagoo sababta ku sheegay inay tahay in Imtixaanka aan lagu gelin Baraawe.

Mid kamid ah Ardayda oo laga soo duubay Muuqaal ayaa tilmaamay in marka horey lagu wargeliyay in Imtixaanka si ay u galaan loo qaadayo dhanka Magaalada Marka, hayeeshee taas aysan dhicin, uuna dhaafay labadii maaddo ee Ardayda galeen.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayay Ardayda ugu baaqdeen inay ka qeyb qaataan sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Imtixaanka shahaadiga ah, iyadoona ugu dambeyn dalabkaas ay ka Jawaabtay Dowladda, Ardaydana loo soo qaaday Muqdisho, si ay u galaan Imtixaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media