Dowladda oo Injineero kale u direysa Magaalada Baladweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir Guddoomiyay kulankii habeen la’ahaa oo ay yeeshaan Guddiga qaran ee ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Xaaladda Coronavirus ee dalka Soomaaliya oo kiisas farabadan laga helay iyo sidii loo ballaarin lahaa adeegga sheybaarka COVID19 iyo heerka diyaarinta isbitaalka Martiin 2 oo gebogebo mareysa.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrinsaday sidii Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan loogu diri lahaa Injineero qiimeyn ku sameeya Magaalada.

Mas’uuliyitiinta ayaa isla gartay in Injeerada loo dirayo Baladweyne ay qiimeyn kusoo sameeyaan qorsha looga hortego fatahaad xoogan oo uu sameeyo Webiga Shabeelle ee mara halkaas.

Titada dadka guud ee laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19 ee dalka Soomaaliya ayaa gaartay 755 ruux, iyadoo in ka badan 30 ruux ay Cudurka ugu geeriyoodeen dalka, waxaana xusid mudan in dhowr ay ka bogsatay Cudurkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media