Dowladda oo Ingiriiska kala hadashay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.

Kulanka ayaa waxaa ay Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Marwo Vicky Ford uga hadleen Arrimo ay kamid yihiin  xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labad Dal.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ugu dambeyn Boqortooyada Ingiriiska (UK) uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Wada-hadalkaan ayaa kusoo aaday, iyada oo lagu wado in Baarlamaanka muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbin doono Xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor