Dowladda oo Gurmad gaarsiisay Degmo uu ku fatahay webiga Jubba

Wasiirka gargaarka, wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo howl wadeenna ka socda wasaaradda Tamarta iyo biyaha  ayaa gargaar gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo kamid ah deegaanada ay fatahaaduhu dhibaatada ka geysteen.

Wasiirrada iyo Engineer ka socday wasaaradda biyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaannada uu wabiga Jubba ku fatahay iyo meelaha uu wabigu biyaha ka keenay si loogu diyaar garoobo xiridda meelaha uu Wabigu ka fatahayo.

Maamulka Baardheere ee gobalka Gedo ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay gargaarka loogu gurmanayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiirrada ka socda xukuumadda ayaa shacabka ku nool Baardheere u ballan qaaday in dowladdu ay sii wadeyso gurmadka lagu samata bixinayo inta xaaladdu sideedii hore kusoo laabaneyso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media