Dowladda oo Gargaar Deg-deg ah u direysa Gobolada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay aheyd shir Guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka ee COVID-19.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa warbixino looga dhageystay Guddiga Qaran ee Cudurka, iyagoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uga warbixiyay xaaladiihii ugu dambeeyay ee COVID-19 ee dalka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo loona xakameeyo faafidda safmarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka Coronavirus, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo Cudurka halista ee Coronavirus.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 1,916 Ruux, waxaa ka bogsooday 327 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 73.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media