Dowladda oo Gargaar Caafimaad gaarsiisay Magaalo ka tirsan Galmudug

Diyaarad siday Gargaar Caafimaad ayaa Maanta ka degatay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, taasi oo ka ambabaxday Magaalada Muqdisho.

Agabkan Caafimaad oo ay Dowladda Soomaaliya gaarsiisay Gaalkacyo ayaa isugu jiray maaska afka lagu xerto, agabka gacmaha la gashto iyo qalab kale oo dhammaantood loogu talagalay in loo isticmaalo ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Deeqda Daawa kala wareegtay xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddiga Qaran ee la tacaalida Cudurka COVID-19.

Wasiir ku-xegeenka Wasaaradda Caafimaadka Mahad Caabi Ciise ayaa Guddoomay deeqdaan, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka Amniga, wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Wasiir ku xegeeno iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media