Dowladda oo Gargaar Caafimaad gaarsiisay Gobolka Sanaag

Wararka aan ka heleyno Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha demagaas ay Maanta ka degtay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo kala duwan.

Diyaaraddan ayaa waxaa Badhan u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Gargaar lagu wareejiyay Mas’uuliyiinta degmada iyo Waxgaradka, iyagoona ka mahadceliyay Gargaarkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Gargaarkaas uu yahay mid isugu jira Daawo iyo qalabka looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoona diyaaraddaas shalay lagu waday inay gaarto Gobolka Sanaag, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa diiday in diyaaradaas ka degto Garoonka diyaaradaha Badhan, Balse qaar kamid ah Waxgaradka degmada ayaa la xusay in Puntland ay ku qanciyeen in diyaarada degto

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad agab Caafimaad oo looga hortaga Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 gaarsiiyay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media