Dowladda oo diiwaan gelisay xaalado Cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qofood, waxaana geeriyooday 3 bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween.

27 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 7 kalana waxay ku suganyihiin deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 756, waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada kahor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media