Dowladda oo dib u soo celineysa dadka Somaliyeed ee ku xaniban dalka dibadiisa

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda  Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay  Guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee ka hortagga covid19, kaas oo habeen walba la qabto.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo warbixino kala duwan looga dhageystay Guddiga Qaran ee Cudurka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dibedda ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Guddiga qaran ee ka hortega Cudurka COVID-19 faray inay sii wadadaan dadaalkood ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Cudurka oo kiisas farabadan laga helay dalka.

1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media