Dowladda oo Beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay  in Wasaaradda ay faragelisay Khilaafka ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Arrimaha Federaalka ayaa sheegtay in warkaas uu yahay mid abuur ah oo aan waxba jirin, isla markaana aysan Wasaaradda faragelin ku sameeyn Khilaafka ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo ka dhashay xilka qaadistii Cali Muxumed Caraale.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha  Bulshada lagu faafiyay Qoraal lagu sheegayo inuu kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Federaalka ayna jawaabtay Codsi uga yimid Cali Caraale oo ah in  Khilaafka ka taagan Baladweyne lasoo farageliyo.

Guddoomiyihiin Gobolka Hiiraan Cali Caraale ayaa dorraad dowladda Federaalka ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo farageliyo Khilaafka Baladweyne, isagoo xiligaas tilmaamay in weerar ay kusoo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media