Dowladda oo agab Caafimaad gaarsiisay Magaalada Garoowe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta qagab Caafimaad u dirtay Maamulka Puntland, kuwaasi oo looga talagalay in looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay halkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland Maanta loo diray agabka ilaalinta bad-qabka (PPE), oo isugu jira dharka difaaca, gacma-gashiyi iyo Af-xir ee looga horetgo COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa agabka Caafimaad ee ka socday dowladda kula wareegay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe, iyagoo ka mahadceliyay agabkaas.

Tirada dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaanada Maamulka Puntland ayaa haatan mareysa 90 ruux, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 4 qof, halka qof kalena uu bogsaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laba jeer qalab Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus ku wareejisay Mamaul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media