Dowladda Norway oo Dowladda Somalia ugu Deeqday lacag dhan $30 Milyan oo Dollar

Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday inay Maanta Dowladda Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $30 Milyan oo doollar oo ah mashaariic horumarineed oo laga fulinayo gudaha dalka.

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway Anne Beathe.

Sidoo kale kulan dhexmaray Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Horumarinta Norway ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Dowladda Norway uga mahadceliyay lacagta ay ugu deeqday dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in dowladda qorsheyneyso sidii loo hirgelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Norway ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale duwan ee horumarineed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor