Dowladda Masar oo Suudan u dirtay dalab la xiriira xalinta khilaaf taagan

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudan, Cabdalla Xamduuk ayaa ugu baaqay Dowladda Masar inay Wada-hadal ka furaan Khilaafka Lahaanshaha Saddex-geesoodka Xalaayib iyo Shalatiin oo u dhexeeya xuduudka labada Waddan.

RW waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu xalay ka jeediyey Machadka Daraasaadka Bariga Dhexe oo ku yaalla magaalladda Qaahira, waxaana Kulankaasi ka qeyb galay Aqoonyahano iyo Khubaro ku takhasustay Cilmi-baarista.

Saddex-geesoodka Xalaayib iyo Shalatiin ayaa waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 20 KM iyo bar (20,5 KM), waxaana uu ka kooban yahay Degmooyinka Xalaayib, Shalatiin iyo Abu Ramaad.

RW Cabdalla Xamduuk waxa uu Khudbadiisa ku xusay inay lama huraan tahay in wada-hadal laga furo arrintaasi, si ay labada Dowladood u gaaraan Is-faham.

Bishii hore, Dowladda Sudan waxay u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM dacwad ka dhan ah Dowladda Masar oo ku aadan Lahaanshaha Saddex Geesoodka Xalaayib, Shalatiin.

Khilaafkaasi waxa uu soo taagnaa tan iyo markii ay Sudan madax-banaanida ka heleen Gumeysigii Ingiriiska sanadkii 1956-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor