Dowladda Masar oo shaacisay inuu fashilmay Shirkii Biyo-xireenka GERD

Hadal-qoraal oo goor dhow ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu shaaciyey inaysan wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii lagu qabtay Caasimadda dalka Kongada Dimuqraadiga (DRC) ee Kinshasa.

Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in kulankii looga hadlay Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ee ay ka qeyb galeen Wafuud Heer Wasiir oo ka kala socotay dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia aan wax Horumar ah laga gaarin xalinta Khilaafkaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa waxay kaloo tilmaamtay in uusan Shirkii Kinshasa soo gebagebeynin Dib-u-bilaabista Wada-hadalkaasi.

Muranka Biyo-xireenka GERD ee u dhexeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia waxa uu soo jiitamayey in ka badan 9 sano, mana muuqdaan Ifafaalo Xal Diplomaasiyadeed oo Heshiis loo dhan lagu gaari karo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor