Wasiirka Gaashaandhiga ee dalkaasi, Nosifiwe Mapisa Naqakula oo la hadashay Barlamaanka dalkaasi waxay codsatay in 25,000 oo Ciiddamo dheeraad ah loo dabulo Goballadda ay Boobka iyo Rabshadaha ka socdaan.
Ma aysan sheegin xilliga rasmiga ee Ciiddanka dheeradka ka hawl-geli doonaan Waddooyinka, inkastoo uu Madaxweynaha dalkaasi leeyahay awoodda daad-gureynta Ciiddankaasi.
Madaxweyne Sayril Ramafoosa waxa uu hordhac ahaan u diray 2,500 Askari bilowgii Isbuucan, si ay u xoojiyaan ciiddanka Boliska ee loo awood-sheegtay.
Tirada Ciiddamadda loo dirayo goobaha ay ka socdaan Boobka iyo Rabshadaha ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo ilaa 25,000 oo Askari.
Dowladda Koonfur Afrika waxaa ku sii kordhayo Cadaadiska, si wax looga qabto qalalaasaha naafeeyey Dhaqaalaha dalkaasi.
Shalay oo keliya waxaa la diiwaan-geliyey 208 dhacdo oo isugu jira boob iyo burburin oo ka dhacay dalkaasi.
Hay’adda Macaamisha Badeecadaha ee dalkaasi waxay sheegtay in la boobay in ka badan 800 oo Dukaamada lagu iibiyo badeecadaha Guud.
Muuqaalada dadka wax bililiqeysta ayaa la arkayey iyagoo la cararayo Qaboojiyayaal, Dhalooyinka waa weyn ee Telefishinada, Makiinadaha lagu dubo Rootiga, noocyada cuntada iyo Khamriga.
Dhul-beereedka lagu beeray Khasabka ee Gobalka KuwaZulu Natala ayaa dab la qabadsiiyey, iyadoo deegaanada kalena la dhacayo Lo’da.
Ugu yaraan 72 qof ayaa lagu dilay Rabshadaha xargo goostay ee ka socda dalkaasi, iyadoo 1,234 kalena la xiray, tan iyo markii ay Khamiistii hore bilowdeen rabshadaha looga soo horjeedo xariga Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuuma.