Dowladda Kenya oo sheegtay inay fashilisay weerar ay Al-Shabaab soo Abaabuleen

Booliska Kenya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay koox looga shakisan yahay Shabaab la damacsaneyd inay ka fuliso masaajid ku yaalla deegaanka Khorof Xaraar ee dhaca duleedka magaalada Wajeer.

Lix qof oo hubeysan ayaa gaaray masaajid ku yaallay tuulada Konton. Waxay doonayeen inay afduubtaan dad masaajid ku tukanayay, sida laga soo xigtay booliska.

Taliyaha booliska ismaamulka Wajeer ayaa xaqiijiyay dhacdadan isla markaana sheegay in kooxda ay weerar kusoo qaadeen masaajidka balse laamaha amniga ay ka hortaggeen weerarkaas, sida uu ku warramayo Wargeyska The Daily Nation.

Wuxuu beeniyay wararka sheegayo in kooxda ay qafaalatay qaar kamid ah dadka deegaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor