Dowladda Kenya oo Shaacisay dhibaatadii ay Kala Kulantay Xirnaashaha Xuduuda Somalia

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaynta ee Kenya, Aadan Maxamed ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fred Matiang’I iyo Hay’adda Xuduudaha  inay dib uga baaraan dego sidii loo furi lahaa Xuduudka ay Degmadda Mandera la wadaagto Somalia.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Kenya sannad kasta ku luminayso Xuduudka Xiran macaash dhan Hal Billion oo Shillinka Kenya.

Isagoo ka hadlayey magaalladda Mandheera ayaa sheegay Xuduudka Xiran inuu ka hor isttaagay Gnaacsatada inay u kala gudbaan labada dhinac ee Xuduudka, taasina ay abuurtay inaysan Dowladda wax dhaqaale ah ka soo gelin Xuduudka xiran.

Dowladda Kenya waxay sannadkii hore xirtay Xuduudka looga kala gudbi jirey Somalia iyo Kenya, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab mowjado weeraro ah ka geysteen Mandhere iyo qeybo ka mid ah dalka Kenya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media