Dowladda Jabuuti oo isku furtay Wado mudo ka xirneed iyadoo dhibaato laga….

Dowladda Qatar ayaa bilaawday in ay kala baxdo ciidamo ay leedahay oo ku sugnaa Xaduuda kala qeybisa Dalalka Jabuuti iyo Eretaria kadib markii Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geelle uu taageeray xulada Sacuudiga uu hoggaamiyo o xiriirkii u jaray dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa daad gureysay Boqolaal Askari oo u dhaxeeyay Wadamada Jabuuti iyo Eretaria oo dhowr mar wada dagaalamay,balse ay halkasi Ciidamadeeda usoo gaareen in ay difaac u noqoto dowladda Jabuuti oo dagaal adag kula jirta Eretaria.

Arintaan ayaa keentay in fariisimihii ay ka baxeen ciidamada dowladda Qatar ay durba la wareegaan ciidamada Eretaria oo jaanis u weesnaa in ay daan daansato dowaldda Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa haatan u muuqda mid dalkiisa uu wajahayo caqabado adag,iyadoo ay qarka u saaran yihiin ciidamada Eretaria.

Shaqo adag iyo iskadifaacida Ciidamada Eretaria ayaa ka mid ah Shaqooyinka horyaalla Madaxweyne Geelle,oo si fudud u qaatay Go’aan uusan ka fiirsanin oo ahaa taageerida Xulufada Sacuudiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media