Dowladda Jabuuti oo gar-gaar gaarsiisay Beledweyne

Diyaarad siday gargaar oo ay soo dirtay Dowladda Jabuuti ayaa gaartay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gargaarkan oo ah mid loogu talagalay In lagu caawiyo Dadka Jilicsan ee uu saameysay Fafahaadda Webiga Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan oo gar gaarkani kula wareegay Garoonka Ugaas Khaliif ayaa ka mahadceliyay garab istaaga Shacabka iyo dowladda Jibuuti, waxaana Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo dowladiisa uu ka codsaday in ay ka gacan siiyaan Helista Gaadiidka Birta culus sida baalayaasha, Cagafta, iyo gaadiidka kale ee la halmaala islamarkaana loo adeegsado Biyo xireenka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Kulan la qaatay Saraakiisha Gar gaarkani soo gaarsiiyay Beledweyne ayaa ka mahadceliyay garab istaaga had iyo jeer ay la garab taaganyihiin Guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media