Dowladda Jabuuti oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Beledweyne

Dowlada Jabuuti ayaa Manta Deeq Dawo ah gaarsiisay isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraankaas oo maalmihii lasoo dhaafay la tacaalayay daweynta bukaano kala duwan oo ka kala yimid gobolka Hiiraan iyo gudaha magaalada Beledweyne.

Goobta Daawada lagu Wareejinayey waxaa ka Suganaa Saraakiisha Ciidamada Jabuuti Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle Masuuliyiin ka Socd.

Masuuliyiinka maamulka gobolka Hiiraan ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti sida walaltinimada leh ee mar kasta ay u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed si gaar ah dadka ku nool gobolka Hiiraan.

Dowladda Jabuuti ayaa dhowr jeer sidaan oo kale agab caafimaad ugu wareejisay maamulka magaalada Beledweyne iyo kan gobolka Hiiraan maadaama Isbitaaladaas ay qaabilaan bukaano badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media