Dowladda iyo xubno ka tirsan M/Goboleedyada oo heshiis ku gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirweyne Qaran oo u dhexeeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka iyo Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka dowlad Goboboleedyada dalka.

Shirkaan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay gunaanadka siyaasadda Qaran ee Maareynta khataraha Musiibooyinka iyo Istaraatiijiyada Gargaarka, waxaan sigaar ah diirada loogu saaray isku duwista iyo Maareynka Musiibooyinka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Gargaarka Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ku gaareen xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa Wasaaraddaha ee Arrimaha Gargaarka  ee Bani’aadannimo.

Sidoo kale Wasiiradda ka qeyb galay Shirka ayaa dhammaan hay’addaha Caalamiga ah iyo gaarka ah ee ka shaqeya Arrimaha Gargaarka  Bani’aadannimo faray inay la socdaan howlaha Gargaarka ay dalka ka wadaan Dowladda, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Shirka lagu qabtay Muqdisho ayaa isku raacay in la saameyo Madasha Qaran ee Maareynta khataraha Musiibooyinka Arrimaha Bani’aadannimo iyo Gurmadka Deg-deg ah.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha Qaran.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media