Dowladda iyo Madaxda Hay’adda IMF oo mar kale ka shiray Deyn Cafinta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa shir muhiim ah ka yeeshay hannaanka geddi socodka deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna Shirka ku qabsoomay habka fogaan aragga ee Zoom-ka.

Shirkaan ayaa waxaa guddoomiyay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka inta uu socday ka sheegay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha  dalka.

“Waxaa inoo soo idlaaday Shir kale oo muhiim u ah geeddi-socodka deyn-cafinta Soomaaliya, maanta waxa aan si gaar ah ula shirnay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hada ah mid aaad u sareysa” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay shirka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka qeyb galay shirka looga hadlaayay hannaanka geddi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor