Dowladda iyo Culimadda Muqdisho oo markale kulan yeeshay

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan isugu yeertay Imaamyada Masaajidda, Khadiibyada iyo Culimo waaweyn ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Waaiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dhakhaatiir, waxaana inta uu socday looga hadlay warbixinno ku saabsan khatarta Cudurka Coronavirus iyo halka uu marayo iyo sida looga hortegi karo.

Sidoo kale imaamyada iyo Culimada waxa ay warbixin ka bixiyeen sida ay u fuliyeen qodobadii bayaanka sharciga aha ee kasoo baxay Shirkii culumada ee 13-15 April 2020 , ugu na muhiimsaneyd ku dadaalidda nadaafadda Masaajida , kala fogeynta dadka tukanayo, xirashada Mask ka.

Ugu danbeyntii waxa la faray Imaamyada iyo Culimada in ay sii badiyaan wacyigalinta bulshada, una istaagaan taakuleynta Qoysaska tabarta yar gaar ahaan xilliga Ramadaanka.