Dowladda Itoobiya oo xabsiga kasii deysay siyaasiyiin caan ah oo Mucaarad ku ah

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sii deysay siyaasiyiin caan ah oo mucaarad ah, xilli dalkaasi uu xusayay ciidda Masiixiga ee Orthodox Christmas.

Weriye caan ah isla markaana ah siyaasi Eskender Nega oo muddo ka badan 18 bilood xirnaa ayaa ka mid ah dadka la sii daayay.

Waxaa xabsiga la dhigay bishii June sanadkii 2020 kaddib markii ay rabshado ka bilowdeen caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia, kaddib dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof. Siyaasiyiinta kale ee caanka ah ee la sii daayay waxaa ka mid ah Jawaar Maxamed iyo Bekele Gerba.

Qoraal uu soo dhigay baraha Facebook iyo Twitter ayaa Ra’iisl Wasaare Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto soo afjaridda colaadda iyadoo u mareysa ‘hannaan nabadeed iyo mid siyaaadeed’.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa ka muuqday jileec marka loo eego sida uu maamulkiisu aalaaba wacad ugu mari jiray inuu cagta marin doono mucaaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor