Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay ka takhluusi doonto TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa waalli ku tilmaantay dalabka fallaagada TPLF ee ka dagaallabto gobolka woqooyi ee Tigray.

Wasiirka arrimaha dimuquraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa BBC-da u sheegay in TPLF ay ku riyooneyso awood siyaasadeed oo aan jirin, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba fallaagadaasi laga saari doono tuulooyinka gobolkaasi marka sida uu sheegay dowladda dhexe uu ka dhammaado dulqaadka.

Zadig waxa uu beeniyay sheegashada fallaagada TPLF ee ah in la go’doomiyay gobolka Tigreeda, wuxuuna sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay xaqiijinta in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka gobolkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in aysan jiri doonin wadahadal ay la galayaan TPLF oo uu ku tilmaamay koox argagixiso ah.

Fallaagada TPLF ayaa haatan gacanta ku hayso caasimadda gobolka Tigreeda ee Maqalle iyo magaalooyin kale oo ku yaal gobolkaasi kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaasi isaga bexeen.

TPLF ayaa haysay xukunka gobolka Tigreeda ka hor inta ciidamada dowladda dhexe aysan ku duulin kaddib weerar ciidamada TPLF ee xilligaasi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taallay woqooyiga dalkaasi Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor