Dowladda Itoobiya oo ka carootay tallaabo uu qaaday Mareykanka Dalabna hordhigtay

Dowladda Itoobiya ayaa ku boorrisay Mareykanka inuu xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la sameeyo halkii uu Kenya kala hadli lahaa arrimo khuseeya Itoobiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xukuumadda Washington iyo waddamada kaleba ay soo dhaweynayaan inay wadashaqeyn dhinaca diblomaasiyadda la wadaagaan Itoobiya.

“Halkii ay arrimaha khuseeya Itoobiya u qaadi lahaayeen meel saddexaad, waxaan ku casuumeynaa Mareykanka iyo dalalka kaleba in ay si toos ah noola macaamilaan annaga,” ayuu yiri Mufti.

Afhayeenka ayaa u muuqday in uu soo gudbinayay farriin ka turjumeysa sida ay Addis Ababa uga carootay tallaabada uu qaaday Mareykanka. Waxa uu sidoo kale sharraxaad ka bixiyay xaaladda Itoobiya oo dagaal sokeeye ku jirtay wax ka badan hal sano.

Hadalka kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa daba socday wararka sheegayay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu madaxweynaha Kenya kala hadlay arrimaha ku saabsan Itoobiya iyo Soomaaliya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor