Dowladda Federaalka oo Maanta Gargaar Deg-deg ah u dirtay Guriceel

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Gargaar deg deg u dirtay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal qaraar oo sababay in gabi ahaan dadkii Magaaladaas ay barakacaan.

Wasiirka Gargaraka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu Guriceel gaari doono maanta iyo berri oo khamiis ah.

Gargaarkaan ayey Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ku sheegtay in loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadkii ku barakacay Colaadii maalmihii lasoo dhaaftay ka jirtay Magaalada Guriceel oo u dhexeeysay Ciidanka dowladda iyo Ciidanka Ahlusunna ee halkaas joogay.

Kummanaan qoys oo ka barakacay Guriceel ayaa xiligaan waxaa ay xaalado adeg ku wajahayaan degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay aadeen, waxaana Maamulka Galmudug uu sheegay in Gargaar la gaarsiin doono dadkaas, sidoo kalena ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa maanta si caadi ah ku soo laabatay, waxaana waaberigii hore ee saakay ee halkaas isaga baxay Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca ee dagaalka la galay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lixaad leh ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, isla markaana waxaa xusid mudan in dadka dhintay ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor