Dowladda Federaalka oo kordhisay xirnaashaha Goobaha Waxbarashada

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ah ayaa ku dhawaaqday in muddo laba todobaad ah lagu kordhiyay xirnaashaha goobaha Waxbarashada oo horey laba isbuuc loo xiray, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo Goor dhow warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in weli ay jirto khatarta Cudurka, isla markaana go’aan lagu gaaray in laba todobaad lagu kordhiyo xirnaashaha goobaha Waxbarashada oo waqtigii hore dowladda u xirtay goobaha ku ekaa 18-ka bishaan Maarso.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe in sidoo kale fasax yihiin shaqaalaha dowladda Federaalka, lana joojiyay isu imaatinada dadka, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara faafida Cudurka COVID-19 oo kumanaan kiis laga diiwaan-geliyay Caasimadda dalka.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cismaan Dubbe ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in Macalimiinta goobaha Waxbarashada ay qaadan doonaan tallaalka looga hortego COVID-19 ee Muqdisho la keenay oo lagu diyaariyay 90 goobood.

Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa dhawaan sheegay in Ardayda ay saameyn ku yeelan karto Go’aanka fasaxa dowladda ee goobaha Waxbarashada, iyagoona dowladda Federaalka ugu baaqay inay dib u eegis ku sameeysayo Go’aankaas.

Si kastaba  tan iyo markii uu Cudurka COVID-19 mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ay diiwaan-gelisay boqolaal kiis, iyadoona ay jiraan dad farabadan oo u geeriyooday Cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor