Dowladda Federaalka oo ka hadashay howlgalkii saaka lagu qabsaday 9 deegaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay howlgal qorsheysan oo arroornimadii hore ee saaka Ciidanka xoogga dalka ay Al-shabaab ugala wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Shabeellaha iyo Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab laga qabsaday 9 deegaan oo ku jirto deegaanka Basra, kuwaasi oo dhammaantood ku teedsan wabiga Shabeelle, ayna ku sugnaayeen Al-shabaab.

Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalkii saaka dhacay Shabaab looga dilay tuulada Baqdaad 5 dagaalame, kadib markii iska horimaad uu dhexmaray labada dhinac, waa sida hadalka loo dhigay.

“Deegaanada la xoreeyay oo isku xira Gobalada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa Al-shabaab waxa ay ku lahaayeen Maxkamad dadka ay uga qaadi jireen lacagaha ah iyo xarumo kale ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta oo sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray howlgalka la fuliyey.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Dowladda soo saartay

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor