Dowladda Federaalka oo Gargaar Deg-deg ah gaarsiisay maamul Goboleed

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gargaar deg deg ah oo isugu jira Daawo iyo Agabka fayadhowrka maanta gaarsiisay Magaaladda Jowhar ee caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa agabkaas ku wareejisay Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle, kuwaasi oo Daawada iyo Agabka kula wareegay Garoonka diyaaradaha.

Daawadan iyo Agabka caafimaad ayaa wax badan ka tari doona ka hortagga iyo daawaynta cudurada ka dhasha fatahaadda soo noq-noqday ee ka dhashay wabiga Shabeelle, sidoo kalena saameyn ku yeeshay qoysas farabadan.

Sidoo kale Gargaarka dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka gaarsiisay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa kamid ah agab muhiim u ah ka hortaga Cudurka halista ah ee COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor