Dowladda Federaalka oo Deeq ku wareejisay Maamulka Jubbaland

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Maamulka ee Kismaayo.

Ujeedka wafdiga ayaa waxaa uu yahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda abaaraha baahsan iyo biyo la’aanta ee ka jirta Gobolada Jubbaland, kuwaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale wafdigan ayaa waxaa ay deeq kala duwan oo ka kooban qalab Caafimaad ku wareejiyeen Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, si loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira Jubbaland.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumadda ay Gargaar deg deg ah gaarsiineyso dadka ay abaarahu ku saameeyeen deegaanada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor