Dowladda Federaalka oo Baaq shuruud la’aan kasoo saartay Dagaalka Kabxanleey

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Kabxanleey ee duleedka Magaalada Baladweyne.

War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa baaq nabadeed ugu diray maleeshiyaadka dagaalka khasaaraha geystay uu ku dhexmaray Kabxanleey.

Wasiir Mukhtaar ayaa maleeshiyaadka ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan Colaada salka ku heysa dhul-daaqsimeedka iyo dilalka aanooyinka qabiil, isla markaana u dhaga nuglaadan baaqyada nabadeed ee uga imaanaya dadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Ganacsatada ka Codsaday inay u istaagan sidii loo joojin lahaa dagaalka beelaha ku dhexmaraya deegaanka Kabxanleey ee duleedka Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Jeneraal mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka ay diyaar u tahay fidinta gogosha heshiiska maleeshiyaadka iyo guud ahaan heshiisiinta meelaha Colaadaha ka dhaceen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor