Dowladda Australia oo Kaalmo Dhaqaale ugu deeqday Hawlaha Samafalka Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Australia, Julie Bishop ayaa maanta ku dhawaaqday Kaalmooyin Lacageed oo la kala siinayo Dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan.

War Qoraal oo ay maanta soo saartay ayey ku sheegtay inay 4 million oo Dollaar oo dheeraad ah loogu deeqay Kaalmadda Samafalka ee Somalia.

Dhinaca kale, Australia, waxay sheegtay inay Dowladda Koonfurta Sudan mar kale ugu deeqeen lacag dhan 10-million oo Dollar, si Kharajkaasi loogu isticmaalo Xal-u-helista Dgaalladda weli ka socda dalkaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor