Dowlad xadiday xilliga Tukashada Salaadda Ciidul Adxa iyo sababta keentay

Dowladda Imaraadka Carabta waxay sheegtay in la xadidi dono xilliyada ay Masaajidda furan yihiin, si loogu oogo Salaadda Ciiddul-Adxa bishan Dul-xaj 10-da oo ku beegnaan doonta maalinta Talaadada ee socota

Qoraalka ka soo baxay Dowlada Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay Masaajida la furi doono 15 daqiiqo, lana soo koobi doono Khudbadda iyo Tukashada Salaada Ciidda, si looga gaashaanto faafista Cuddurka COVID 19.

Musaliinta waxa la faray inay soo xirtaan Af-xirka, gacmaha dhaqdaan, kala fogaadaan xilliga la tukanayo iyo inaysan isa salaami salaadda ka hor ama ay inay ku kulmaan hal madal.

Waddanka Imaaraadka waxa uu ka mid yahay dalalka uu saamaynta ku yeeshay Coronavirus, iyadoo la diiwaan geliyey 653,000 oo Bukaan, iyadoo ay 631,000 ay ka bogsadeen, halka ay 1,876 oo Bukaan u geeriyoodeen COVID 19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor