Dowlad shaacisay in Qalab Caafimaad u soo direyso Somalia

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in Shixnad Diyaarad Xamuul ah oo sida qalab Caafimaad oo kala duwan loo diro soo diro Soomaaliya.

Qalabka Caafimaad ee Turkiga u soo dirayo Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid lagu dagaalamayo Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ka kooban Weji-daboolka ama Maaskarada, Qalabka lagu baaro Cudurka COVID 19 iyo Qalab kale oo muhiim ah.

Afhayeenka Madaxtooyada ee dalka Turkiga Ibraahim Kalin, ahna La-taliyaha Madaxweyne Erdogan  oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Erdogan uu amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro deeq Caafimaad.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga ay dowladda Soomaaliya ka taageeri doonto xakameynta Cudurka Coronavirus, isla markaana ay mar walbo garab taagan yihiin Dowladda Somalia iyo shacabkeeda.

Dowladda Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Turkiga Mashaaciir horumarineed uu ka fuliyay dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media