Dowlad mamnuuceysa xirashada jilbaabka iyo Muslimiin ka carooday

Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xirashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xiri doonaa 1,000 madaraso oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool.

Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraa’id ka sheegay sabtida maanta ah ka dib markii jimcihii golaha wasiirada ansixiyeen go’aankan, waxaana lagu sababeeyay sugidda amniga qaranka.

Sidan oo kale dowladda ayaa 2019 joojisay xirashada jilbaabka ka dib markii qaraxyo lagu beegsaday Kiniisado iyo Hoteelo ku yaala dalka Sri Landka, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 250 ruux.

Muslimiinta Sri Landka ayaa go’aanka dowladda u arka mid xadgudub ku ah xuquuqdooda diineed iyo tan muwaadin.

Weerasekera ayaa sheegay in dowladda sidoo kale mamnuuceyso 1,000 madaraso, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay jabiyeen siyaasadda waxbarashada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Mamnuucista jilbaabka ay xirtaan gabdhaha muslimiinta ayaa daba socda go’aan dowladdu soo saartay sanadkii hore oo ahaa in qof kasta oo coronavirus u dhinta la gubo, go’aankaas oo ka soo hor jeeda sharciga islaamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor