Dowlad Goboleedyada oo Warqad jawaab ah u diray Aqalka Sare

War ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka aqalka Sare ee ku saabsan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Puntland oo ahaa Guddoomiyaha Golaha iskaashiga balse xilheyntiisa ay dhamaatay soona baxay 29/10/2018 ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu kalsooni ku qabaan dhex dhexaadinta Aqalka Sare.

Warqada ka soo baxday Golaha Iskaashiga ayaa waxa ay jawaab u tahay warqad horay uga soo baxday Golaha aqalka Sare oo aheyd in Xubnaha Dowlad Goboledyada ay soo Magacaabaan wasiiro u matala dhex dhexaadinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Gaba gabadii Aqalka Sare ayay ugu baaqeen in dowladda Federaalka kala hadlaan waxyaabaha ay tabanayaan aqalka sare,isla markaana Goluhu uu soo jeediyo waxyaabaha looga gudbi karo khilaafka jira.

Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay soo saareen Golaha Iskaashiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor