Doorasho Madaxtinimo oo Maanta ka dhaceysa dalka Tunisia

Shacabka waddanka Tunisia ayaa maanta oo Axada ah codadkooda ka dhiibanaya doorashadi labaad oo xor ah oo abid dalkaasi ku yaalla Waqooyiga Africa ka dhacda.

Doorashadan oo ah mid dimoqraadi ah, ayaa waxaa ku tartamaya ilaa iyo 26 musharrax oo laba kamida ahi yihiin dumar, waxana qofki ku guuleystaa uu baddali doonaa Beji Caid Essebsi oo geeriyooday bishii July ee aanu kasoo gudubnay.

Doorashadan ayaa imanaysa sideed sannadood kaddib kacdoonkii Guga Carabta ee kasoo bilowday isla dalkaan Tunsia.

Kacdoonkaas ayaa isbaddaladi uu ka sameeyay dalalka Carabta intooda badani noqdeen kuwo guuldarreystay, laakin Tunisia ayaa lagu tilmaamaa in kacdoonku uu u baddalay waddan xasilloon oo tusaale u ah dimoqraadiyadda.

Tunisia ayaa waxaa gumeystay Faransiiska, inti u dhaxeysay 1881-ki ilaa ay xorriyadda qaateen bishi March ee sannadki 1956-ki. Madaxweynihi ugu horreyayna wuxuu ahaa hogaamiyihii hore ee dalkaasi Habib Bourguiba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media