Doorashada saddex kursi oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Baydhabo

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Doorashada dhaceysa oo ah saddex kursi oo ay horey u shaaciyeen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kuraasta doorashada la qabanayo ee la shaaciyay ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#18 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kursiga tirsigiisu yahay HOP#170 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#171 ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa inay bilaabato doorashada ka dhaceysa Magaalada Baydhabo, waxaana goobjoog ka noqon doona xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal, kuwa xallinta khilaafaadka iyo Mas’uuliyiin kale.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulka labaad ee bilaalada doorashada Golaha Shacabka, iyadoona ay horey u bilaabay Maamulka Galmudug, waxaana Galmudug lagu doortay Xildhibaano cusub oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor