Doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Goordhow ka bilaabatay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka 11-aad ee dowladda Soomaaliya

Doorashada oo ka bilaabatay howlka Baarlamaanka Maamulka oo o ah saddex kursi  ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Howlka ayaa waxaa ku sugan Ergada dooraneysa Musharaxiinta tartameysa, xubno ka tirsan Guddiyada doorashada heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka iyo Musharaxiinta u tartameysa saddex kursi.

Kuraasta doorashada la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#18 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kursiga tirsigiisu yahay HOP#170 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#171 ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor