Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo la qabanayo

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxa Galabta gaartay wafdi ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey).

Mas’uulyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland  ayaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe ku soo dhaweeyey,waxana ay faah faahin ka bixisay ujeedka safarka ay Maanta ku tagtay Magalada Garoowe.

Xaliimo Yareey ayaa shegtay in ujeedka ay u timid Garoowe ay tahay doorashada kursi ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu ay tahay dowlad Goboleedka Puntland.

Waxa ay sheegtay in ergadii dooran laheyd Kursiga banaan loo soo gudbiyey,sidoo kalena ay kursigaa isku-soo sharaxeen ilaa laba musharax.

Kusigaan ka banaan Golaha Shacabka ayaa waxaa baneeyey,isla markaana dhawaan iska casilay Ex-Xildhibaan Dhahar Cali Faarax.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor