Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug oo bilaabatay

Doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Galmudug ayaa haatan ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Doorashada dhaceysa oo laba kursi ah ayaa waxaa kursiga koowaad ku tartamaya Musharaxiinta kala hadlay Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa, halka kan labaad ay ku tartamayaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Wafdi ka kala socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka iyo Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku sugan Xarunta ay ka socoto doorashada, sidoo kale waxaa madasha jooga Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Galmudug.

Khilaaf siyaasadeed ayaa maalmihii dambe ka taagnaa labada kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafka, kadib dadaalo kala duwan oo la sameeyay.

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor