Doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Hirshabeelle

Doorashada dhaceysa ayaa waxaa kursiga koowaad ku tartamaya Afarax Musharax, halka kan labaad ay ku tartami doonaan shan Musharax, kuwaasi oo laga dooran doono laba Mudane oo kaliya oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Xubnaha kursiga koowaad Maanta ku tartamaya ayaa waxaa kamid ah Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, Daaha Muxudiin Sheekh Daa’uud, Axmed Maxamed Cali iyo CYuusuf Macalin Xasan, halka kursiga labaad ay ku tartamayaan Cali Shacbaan Ibraahim, C/qaadir Xanafi Sheekh, C/llaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdulle Cabdi Xuseen.

Musharaxiinta tartameysa ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed la yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana doorashada ay dhici doontaa gelinka dambe ee Maanta sida uu qorshahu yahay.

Doorashada laba kursi ee Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu waday inay qabsoonto khamiistii lasoo dhaafay, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la sheegay khilaaf ka dhashay kuraasta.

Jowhar ayaa waxaa maalmo kahor lagu doortay Afar Senator oo kamid noqoneysa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana xubnaha ay Xildhibaanada Maamulkaas doorteen kamid ah Muuse Suudi iyo Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor