Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay ka dhacdo doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa maalmo kahor dhammeystiray diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya lixda kursi ee horey loo shaaciyay in doorashadoodu la qabanayo, waxaana kuraasta qaar u tartamaya Xildhibaano horey ugu fadhiyey.

Musharaxiin dhowr ah ayaa ku loolami doono kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hop107 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Xaawo Maxamed Aadan, Hop114 oo ku fadhiyey Cabduqaadir Maxamed Cismaan, Hop120 oo afartii sanno ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi oo soo noqday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya,

Sidoo kale kuraasta la shaaciyay ee doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ku  jira kursiga Hop111  oo uu ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay Maxamed Nuur Iftin Shambara, kursiga Hop028 oo ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, halka kursiga Hop093 oo ku fadhiyey Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ahaa Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona wafdi ka socda Guddiga doorashada heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga doorashada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor