Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada kuraas hor leh oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada Jubbalabd ayaa maalmo kahor soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Guddiga ayaa Musharaxiin dhowr ah u diiwaan-geliyay saddexda kursi oo ay tirsigoodu kala yihiin #HOP126, #HOP118 iyo #HOP127, waxaana kuraasta ku fadhiyay afartii sanno ee lasoo dhaafay Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Doorashada kuraastan ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, isla markaana waxaa goobjoog ka ah wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubno kale oo kamid ah Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Kismaayo ka dhacday doorashada lix kamid ah kurasta Golaha Shacabka, waxaana Jubbaland uu noqday markii labaad ee dardar-geliya doorashaa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor