Doorashada kuraas ka harsan Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

Doorashada ka dhaceysa Kismaayo ayaa waxaa ku tartamaya 8 Musharax oo uu soo saaray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kuwaasi oo ku tartamaya Afar kursi oo ka harsan 8-da kursi ee Aqalka Sare ee Jubbaland, lana diiwaan-geliyay shalay.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya Leyla Nuur Maax iyo Rareedo Maxamed Sheekh, halka kan labaad ay ku loolami doonaan laba Musharax oo kala ah Ibraahim Owgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalin Cabdi.

Sidoo kale kursiga saddex ayaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga ugu dambeeya ku loolamaya Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali oo lagu bedelay Cali Maxamed Cali oo doorashada ka haray.

Musharaxiintan ayaa doorashada kahor khudbadahooda u jeedin doona Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, waxaana intaas kadib la guda geli doonaa doorashada Senatorada oo saacadaha soo socda bilaabaneysa, iyadoo amniga aad loo adkeeyay.

Maamulka Jubbaland ayaa noqon doona maamulka afaraad ee dhameystira doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey u dhameystiray maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor